Friday 20 April, 2018

XOG+SAWIRRO-Aragtida Madaxda Dowladda, Qalloocinta Mucaaradka iyo Isqarinta Imaaraadka ee 13 Million oo Muqdisho Lagu Qabtay.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo sidey adduun lacageed oo gaaraya 13 Million oo dollarka Maraykanka ah loona wadey Soomaaliya.

Saraakiisha safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyey in lacagtaasi ay diyaaraddu u sidey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayna tahay mushahar loo sido ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Warbaahinta Pnews ayaa xiriiro kala duwan waxa ay la samaysay saraakiil katirsan Puntland inkastoo aysan wax faafhaahin ah ka bixin haddii ay runtahay in lacagtaasi ay ahayd mushaharkii ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa rumaysan in lacagtaani ay safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya doonaysay inay ku burburiso Soomaaliya laguna taageero mooshin ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya.

Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ku riixaya dhanka dowladda waxaana ay sheegeen qaarkood inay leedahay shirkadda DP World laguna soo hagaajiyey xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si loogu daboolo xeerkii dalka looga mamnoocay DP World.

SAWIRRO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG+SAWIRRO-Aragtida Madaxda Dowladda, Qalloocinta Mucaaradka iyo Isqarinta Imaaraadka ee 13 Million oo Muqdisho Lagu Qabtay."

  1. Xogogal says:

    Turaaq waxaa lagu qabsaday Lacagta Dahabshiill Somalida ka xado oo Hubka lagu iibsado , hadaad Somali tahay ha Ku dirsan lacag Dahabshiill

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada