Monday 16 July, 2018

DEG DEG-Xiisad Ka Taagan Laascaanood iyo Puntland oo Maamul u Magacawday.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in degmadaasi ay weli ka taagan tahay xiisad dhowaan ka dhalatay dilka mid kamid ah ganacsatadii ugu waaweyneyd ee gobolka Sool oo halkaasi lagu diley.

Dilka ganacsadahaani oo ay ka dambeeyeen malayshiyaad hubaysan ayaa waxaa qaar kamid ah waxgaradka gobolka iyo culimaadiinku ku eedeeyeen Soomaaliland oo ay sheegeen inay ahayd mid la siyaasadeeyey, inkastoo xukuumadda Soomaaliland.

Malayshiyaad ka soo jeeda beesha uu ka dhashay ganacsadahaasi ayaa waxa ay magaalada keeneen ciidamo hubaysan waxaana tallaabadaasi siweyn uga horyimid ciidanka Soomaaliland oo sheegay inaysan magaalada ka ogolaan doonin ciidamo hubaysan oo magaalada jooga.

AKHRISO-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Laascaanood Xilli Xiisad iyo Dagaal Jiro.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada