Tuesday 18 September, 2018

DHEGAYSO-Haweeney Qabta HIV-AIDS oo Irbad Ku Durtay Darawal Pajaaj iyo Su’aalo La Waydiinayo

Duhurnimadii Talaadada Maanta ayaa waxaa agagaarka Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho waxaa Haweeney la sheegay in Darawal Mooto Bajaaj ay ku durtay curbad aan ilaa iyo hadda la ogeyn waxa ay tahay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Haweeyneyda Wiilka dhalinyarda ah uu ku waday Mootada balse markii ay mareysay agagaarka km4 ay cirbada ku durtay intaasi kadibna uu wiilkii aad u qeyliyey.

“Runtii aniga oo meesha maraya oo magaalada ku sii socda ayan arkay xarunta CID-da oo la dhooban yahay oo ay joogaan wiilal bajaajley ah oo aad u careysan oo dhahayay hanaloo soo bixiyo haweeneyda waan dileynaa markii aan weeydiiyey askar meesha ku sugneyd waxa ay I dhaheyn haweeney ayaa meeshanku xiran ii darawal Mooti bajaaj cirbad ku durtay aniga gabada iyo wiilka weli ma arkin laakin haweneyda weey xiran tahay wiilkana waa la qaaady si isbitaal loo geeyo ayuu yiri qof goobjooge ah”

Dhacdadaan Maanta ayaa ah mid aad loo hadal haayo,waxana ay aheyd mid bilihii u dambeysay iyada oo mid la mid ah ay horay uga dhacday Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHEGAYSATO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: