Friday 20 April, 2018

DEG DEG-Muuse Biixi oo Ogolaaday Inuu Ciidankiisa Kala Boxo Tukaraq Waftina u Diray Nairobi.

Wararkii ugu dambeeeyey ee aanu ka helayno magaalada Hargaysa ee xarunta Soomaaliland ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ogolaaday inuu ciidankiisa kala boxo magaalada Tukaraq, islamarkaana uu wafti u diro magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland iyo xubno kale oo ay ku jiraan Lataliyaasha gaarka ah ee Muuse BIixi, ayaa lafilayaa inay Nairobi wakiilada Beesha caalamka kulamo kula qaataan siweyna laysula gorfeeyo xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaan xiisadda Tukaraq.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah in ciidanka Soomaaliland ay ka baxaane deegaanka Tukaraq laguna celiyo Gambara, waxaana xog ay heshay Puntlandtimes.com ay daaha ka rogaysaa in ay Somaliland hadda raadinayso damaanad ku aadan in ciidamada Puntland aysan ka soo gudbin deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Xogta ayaa sheegaysa in Beesha Caalamku hadda xooga saarayso sidii dhinaca Puntland looga hadli lahaa arrimahan ay ogolaatay Somaliland, mase jiraan warar cadeyn kara ilaa hadda in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas lagala hadlay arrimahan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DEG DEG-Muuse Biixi oo Ogolaaday Inuu Ciidankiisa Kala Boxo Tukaraq Waftina u Diray Nairobi."

  1. garaad says:

    waxaa wax soconaya ma aha in puntland ay Ku ekaato tukaraq dhulka kamaqana ayaan raadsan

  2. Xogogal says:

    Xawilaada Dahabshiil ayaan kaa joojin Shanta qaaradood usheegin, dahabshiil ayaa Biixi keentay Turaaq.

  3. Ina Harti says:

    Hadduu warkani run yahay uuma maleenayo Nacaskan caloosha wayn ee Garoowe fadhiyaa diidaayo. Awelba Sool dan kama lahayn inuu wax ku cuno mooye

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada