Tuesday 18 September, 2018

DHEGAYSO-Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq iyo Ciidanka uu Dhoobay Sheegayna in Puntland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay Tv-ga UNIVERSALTV ayaa la weydiiyey su’aal ku saabsan muranka xiisadaha dagaal sababay ee u dhaxeeya Puntland iyo maamulkiisa, wuxuuna beeniyey in ay galaan dhul ay maamusho Puntland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamadoodu ka guureen deegaan kamid ah deegaanadooda oo ay isla deegaan kale tageen, isagoo sheegay in aysan garan karin ujeedo xiligan arrimahaas looga hadlo.

Dhanka kalena, Muuse Biixi ayaa waxa uu cadeeyey in uu jiro culeys xoog badan oo ay dhinacyo badan wadaan, gaar ahaana Puntland ayuu sheegay in ay ka doodayso tagida Somaliland ee Tukaraq.

DHEGAYSO

Wararkii ugu dambeeeyey ee aanu ka helayno magaalada Hargaysa ee xarunta Soomaaliland ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ogolaaday inuu ciidankiisa kala boxo magaalada Tukaraq, islamarkaana uu wafti u diro magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland iyo xubno kale oo ay ku jiraan Lataliyaasha gaarka ah ee Muuse BIixi, ayaa lafilayaa inay Nairobi wakiilada Beesha caalamka kulamo kula qaataan siweyna laysula gorfeeyo xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaan xiisadda Tukaraq.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DHEGAYSO-Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq iyo Ciidanka uu Dhoobay Sheegayna in Puntland."

  1. Xogogal says:

    Xawilaada Dahabshiil waa LA joojin , lacagna kaama soo galayso Biixi ,
    Fiiri colaadu ciqaabta ay leedahay

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: