Tuesday 18 September, 2018

Soomaaliland oo Dacwad Ka Gudbisey Dowladda Soomaaliya iyo Xog Soo Baxaysa.

Somaliland ayaa sheegtay in dacwad ay u gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO. Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dacwadaasi ay kaga codsadeen in laga noqdo heshiiska Hawada loogu wareejinayo Soomaaliya bartamaha sanadkaan.

Waxaa uu xusay in Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Nairobi u joogo baaqaasi ay udireen Qaramada Midoobay ee ay cabashada ku gudbiyeen. Somaliland waxaa ay sheegtay in ay Hawadeeda laga maamuli karin Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa maamulka hawada waxaana furey madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Somaliland waxay sheegtay in heshiisyo ay kala saxeexdeen xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dowladu Farmaajo ka baxday.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Responses to "Soomaaliland oo Dacwad Ka Gudbisey Dowladda Soomaaliya iyo Xog Soo Baxaysa."

  1. axmed says:

    Somaliland waa xagee? ma dowlad la aqoonsan yahey ee adunka ka jirta baa? waxaas waa sheeko, Dacwad ay gudbiyaana mid soconeysa ma aha, waxaas waa maaweeladii beenta aheyd ee ay shacabkooda ku hayeen, iyo dowlad baan nahey, Maamul Goboleedada ayey ka liitaan ka nolol xunyihiin, qabiil cunsuriyad Amaan darro weyn oo iyaguba sheegayaan ,in Hargeysa Baangada maalintii la isku garaaco.

  2. somaliland cida wax ka sheegaysa horta iganu tooda ma ka war hayaan kan,ka ,hadlaya ma xamar buu moodey malinta cad la isku dhaco la isku qarxiyo isbaarada la isku dhigto somqlia waa mamul goboleed waligeed intay,jiran gaadhi mayan somaliland iyo dadkeda waxay haystan amni nabad iyo xukumad kala dambayn leh

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: