Tuesday 18 September, 2018

Tababaraha Man City Ee Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Champions League Kadib Markii Ay Kooxdiisu Hadhay

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu doonayo in ay ku guulaysato tartanka champions League kadib markii ay kooxdiisu kaga hartay tartanka lugaha kooxda Liverpoo.

Tababare Pep Guardiola ayaa kooxda Liverpool ku taageeraya in ay gaarto Finalka champions League kuna guulaysato kadib markii ay kooxdiisa ka reebeen tartanka.

Reds ayaa guul 5/1 ah oo labada lugood ah ka gaartay Kooxda Liverpool kadib markii ay guul soo laabasho leh kaga gaartay lugtii 2-aad ee ka dhacday Etihad salaasadii.

Real Madrid ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka kadib markii ay Barcelona ka hartay laakiin Guardiola ayaa rajaynaya in kooxda Jurgen Klopp ay ku guulaystaan tartanka.

“Waa in aan aad ugu hambalyeeyo Liverpool in ay u gudbeen wareega xiga”ayuu yiri.

“Waxa aan ku rajo weyn yahay in ay magaca England difaaci doonaan kuna guulaysan doonaan horyaalka, waayo waa koo weyn oo uu hogaamiyo tababare way, waxana aan odhan lahaa way u qalmaan in ay Final-ka aadaan”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: