Saturday 21 April, 2018

XOG CUSUB-Madaxweyne Farmaajo, Khayre iyo Shariif Xasan oo Isku Khilaafsan Bedelka Jawaari iyo Siyaasiinta Lakala Wato.

Xog hoose oo warbaahinta qaarkeed heshay ayaa waxa ay sheegaysaa in uu bilowday dagaal xoogan uu dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaare Kheyre oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Xasan Aadan.

Shariif Xasan ayaa doonaya in kursigaasi uu ku fariisto shaqsi uu isaga keenay halka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay doonayaan shaqsi iyaga ka socda oo khilaaf aan la imaan doonin inuu kursigaasi ku fariisto.

Xildhibaano badan ayaa kala taageeraya labada dhinac, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso inay Xilkaasi uu ku guuleysto qof iyaga ka socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka cabsi qaba hadii shaqsi ka aragti duwan Ra’iisul wasaaraha uu yimaado in mar kale isku dhac uu yimaado taasoo rajo beel ku noqoneysa shacabka Soomaaliyeed.

SOURCE-WARQAAD.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada