Saturday 21 April, 2018

DAAWO-Muudey oo La Wareegey Guddoonkii Barlamaanka iyo Jawaari oo Khudbaynaya.

Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay Xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir guddoonka la wareegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

Cabdiweli Muudey ayaa ugu horeyntii la wareegay Guddoonka Baarlamanka, waxaana gudodomiyaha is-casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu ka soo muuqay fadhiga safka hore ee marti sharafta Baarlamaanka loogu talogalay.

Arrintan ayaa ka hor imaaneysa heshiis laga gaaray arrintan oo Guddoomiye Jawaari loogu ogolaaday inuu guddoomiyo qeybta hore ee kulanka, waxaana taas lagu bedelay in guddoominta fadhiga uu wado C/weli Muudey oo ku adkeystay arritan.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada