Sunday 15 July, 2018

Sawirro-Imaaraadka oo Soomaaliya Ka Bilaabay Dagaal Kadhan ah Qadar.

Shaqsiyaad taabacsan dowladda Imaaraadka oo isugu jira saxafiyiin iyo dad wax ku qora baraha bulshada ayaa bilaabay weerar cusub oo Baraha bulshada loo adeegsanayo, kaasoo lagu qaadayo dowladda Qatar.

Weerarkan ayaa cinwaan looga dhigay: #قطر_تعبث_بأمن_الصومال “Qatar oo ku ciyaareysa amniga Soomaaliya”, waxaana si xoog leh loogu weerarayaa dalka Qatar oo lagu eedeeyay inay mas’uul ka tahay mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka.

Dadka kasoo jeeda Imaaraadka ayaa si weyn ugu weerarray barta twitterka Soomaaliya iyadoo sheegay inay abaalkii loo galay ay meel uga dhacday ayna daba gashay Qatar oo taageerta argagixisada.

Dagaalkan ay baraha bulshada ku soo qaaday Imaaraadka ayaa daba jooga dagaal la mida oo ay hore ugu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo uu mugdi weyn soo galay xiriirka labada dal.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada