Sunday 15 July, 2018

XOG XASAASI AH-Wadahadalo Meel Wanaagsan Maraya iyo Somaliland oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Tukaraq Asbuuca Dambe.

Wararkii ugu dambeeyey ee ay helayso warbaahinta Pnews oo si dhow ula socotey xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya inay meel wanaagsan marayaan qorshayaasha ay wadaan dalalka deriska ah iyo beesha caalamka oo doonaya inay baajiyaan dagaal dhex-mara ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaysa in mudanayaal katirsan baarlamaanka UK iyo diblumaasiiyiin ku sugan mandaqadda ay dedaal xoog badan ku bixiyeen sidii Somaliland looga dhaadhicin lahaa in ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dedaalada diblumaasiyadeed ee beesha caalamku meel wanaagsan marayo islamarkaana labada dhinac (Puntland iyo Soomaaliland) ay ku qanacsan yihiin in laga hortago dagaal xoogan oo ka qarxa gobolka Sool.

Dhanka kalena, xog kale ayaa sheegaysa in todobaadka Soo socda ay macquul tahay in Soomaaliland ay boqolaal katirsan ciidankeeda kala baxdo deegaanka Tukaraq iyo deegaamo kale oo katirsan gobolka Sool ayna geyso deegaanka Gambara.

War qoraal ah oo dhowaan ka soo baxay shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Puntland aysan ogolaan doonin in ciidanka Soomaaliland ay ku sii sugnaadaan guud ahaan gobolka Sool.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

7 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG XASAASI AH-Wadahadalo Meel Wanaagsan Maraya iyo Somaliland oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Tukaraq Asbuuca Dambe."

  1. Burcaawi says:

    Kkkk Waxaan layaabay Ninka waxan qoray war Ciidanka Somaliland Soo noqon maayaan ee wax kale ma sheegaysaa

  2. Atoore says:

    KU:JEEGAAN-Burcaawi.
    Burcaawiyoow waxaad tahay miskiin meel muuqata kaliya wax ka arka.Labo jeerba adigay dan kuu tahay in aysan ardigaas dagaal ka dhicin.Marka hore uma bahnin wiilal soomaaliyeed oo mar dambe ayagu istoogta.Marka labaad adigaa u baahan in aan dagaal dhicin.Waayo Burcada ad sheeganaysid waxay Tukaraq u jirtaa dhawr boqol oo kilometer.Dhawrkaas boqol ee kiloomitirna waxaa dagan dadkaad dhulkooda ku soo duushay.Haddii ay xabadi bilaabatana way adagtahay in ay nabada ku wada noqdaan dhalinyarada reer soomaalilaan ee soo duushay.Waayo meel ay ku carari doonaan baaban jiri doonin Miskiin yahoow QAYILSAN.Sababtoo ah waxaa ku hareeraysan ugu yaraan 12,000 oo ciidamo ah oo dhulkooda jooga oo xoolahooda maalaya.Adiguna ma heli doontid meel ad biyo ka cabtid badaw yahoow ilkaha madoow.Insha Allaah ku farax in uusan dagaal dhicin ee nabad iyo iscafin lagu kala guuro.

  3. Atoore says:

    JEEGAAN -Burcaawi.
    Haddii aysan noqon ciidamada soomaalilaan yaa kaaga liita?Haddii ay noqdaanba waa haddii ay nabad ku noqdaan.Haddiise ay dagaal isku dayaan maba noqon doonaan oo waxay noqon doonaan qaar xabadi leeftay iyo qaar isa soo dhiiba oo oran doona hooyooyinkaya baa harti ah.Haddii uu dagaal yimaado ma shaqayn doonto Cismaan cawad baa EEDADAY dhashay ama Dab La Riday baan gabadhayda ku daray oo sodog u ahay.Waxaasu waxay noqon doonaan kalaam faaruq ee haddeerba halaga fiirsado dagaalo sokeeye.

  4. axmed says:

    Waa in la gumaado, Cinsuriyadda nooga timid woqooyi galbeed, waxa ay meeshaa u joogaan waa gardaro, halla garaaco.

  5. Atriisho

    Ciidanka qaranku baryo ku bixi maayaane awood mahaysaa aaad iskaga dul kiciso dhabayacooy.

  6. Ciidamada Qaranka ee Somaliland waxay fashiliyeen beenihii uu Majeerteen Hawiye iyo Dhulbahante madaxa kaga haystey- Inta jeer ee Soomaali dagaal Itoobiya lagashay ragii dagaalamay waa lagaranayaa, wanu ognahay in Cabdillahi Yuusuf Iyo Cirro dalkooda bid ugu soo laabteen oo ay sababeen burburkaa maanta Somali haysta, kadibna markii madaxweyne uu noqday uu ciidamadii Itoobiya uu saxeexay iney gudaha Soomaaliya soo galaan, halka siyaasiyyintii Soomaaliyeed ay laba qudhihi diideen ciidanka Itoobiya uu gudaha Soomaaliya soo galo, kuwaas oo ahaa Siilaanyo iyo Biixi, waa rag xataa jecel sharafta Soomaalida. Taariikhda saaxiibayaal dib haloo raaco, Majeerteen dagaal mayaaq, nabadna ma yaqaan, waana ta beentaa iyo iska hadalka ugu wacan.

  7. war heedhaha ileen qolodan dhabayaco waa maato caano leh! somaliland meeshan baryo kuma qabsan ee qori afkii bay ku qabsatay, marka hadaydan awoodin inad qashir ridan iska aamusa afkiinana haysta waa ceeb calaacalka qaarkii iyo waliba calool jileeca

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada