Monday 16 July, 2018

DAAWO-Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad Qiiro Leh Ku Sagootiyey Jawaari Arrimo Kalena Ka Hadlay.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof, Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku amaanay dadaalkii xooga badnaa ee uu gashay sidii ay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in go`aankii uu qaatay uu ahaa mid dhabaha u xaaraya in laga soo kabto waayo adag oo lasoo maray, gaar ahaana marka laga hadlayo dhismaha dawladnimada curdanka ah ee dalka.

Madaxweynuhu wuxuu amaanay 56-dii sanno ee Jawaari u shaqeynayay laamaha kala duwan ee dawladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in uu yahay qofka ugu khibradda badan ee maanta ku dhexjira dawladda Faderaalka, loona baahan yahay in fikradihiisu ay noqdaan wax laga faa’iideysto.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada