Saturday 21 April, 2018

DEG DEG-Madaxweynaha oo Masuul Caan ah Xilka Ka Qaaday Yaase Loo Magacaabay?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale waxaa gobolka hiiraan loogu Magacaabay guddoomiye cusub oo uu noqonayo Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

Inkastoo aan la ogeyn sababta keentay isbedelka lagu sameeyey Maamulka gobolka Hiiraan iyo waxyaabaha soo dedejiyey ayaa haddana waxaa maalmahaan Magaalada Baladweyne ka taagneyd isqabqabsi iyo muran la xiriira qaabka Canshuur qaadista.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada