Sunday 15 July, 2018

Macalin Klopp oo Caddeeyey Haddii Mohamed Salah Laga Iibinayo Real Madrid.

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liverpool Jurgen Klopp oo ka jawaabaya xiisaha kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ee xidigga ugu wanaagsan xilligaan Liverpool Mohamed Salah ayaa caddeeeyey haddii ay xagaaga iibin doonaan iyo in kale.

Macalin Klopp ayaa caddeeyey in xidigaan qaab ciyaareedka cajiibka ah kujira aysan xagaaga soo socda sinaba isaga iibin doonin, wuxuuna intaasi ku daray inay ka shaqayn doonaan horumarkiisa xilli ciyaareedka dambe ee 2018/2019.

“Waan ogahay in Mohamed Salah uu xaqiiqdii halkaan wanaag ku dareemayo, wuxuuna ogsoon yahay in qaab ciyaareedkiisu isaga aad ugu wanaagsan yahay”, ayuu yiri tababaraha reer Germany oo qudhiisa lala xiriirinayo kooxo kale.

Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu markale yiri,”Xaqiiqdii wax welwel ah kama qabo”.

Mohamed Salah oo xagaagii hore Liverpool kaga soo biiray AS ROMA ayaa waxa uu kujiraa qaabciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa waxaana uu dhaliyey 39 goal tartamada oo dhan, iyadoona ay siweyn isu fahmeen Reborto Firmino iyo Sadio Mane.

 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada