Friday 21 September, 2018

Carmo oo Caawa Laysku Arkay iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Caleema Saarka.

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa beri waxaa ka dhici doonta munaasabad ballaaran oo lagu caleema saari doono beel-daajaha guud ee beesha Cali Saleebaan oo kamid ah beelaha dega deegaamada Puntland.

Munaasabadda caleema saarka beel-daajaha ayaa waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda federalka ah ee Soomaaliya, Isimo ka kala yimid gobolada Soomaaliya iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto iyo ergooyin ka yimid dalka iyo dibadda.

Carmo waxaa caawa ku sugan dhammaan ergooyinkaasi, waxaana maalinimada berri ah caana shubka beel-daajaha laga jeedin doonaa khudbado kala duwan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: