Friday 20 April, 2018

Taageerayaasha Ugu Xamaasada & Buuqa Badan Premier League Oo Loo Codeeyay Yaa Ku Guulaystay?

Shabakada Sky Sport ayaa samaysay codayn ay taageerayaasha premier League ku waydiinaysay taageerayaasha ugu xamaasada iyo qaylada badan marka ay joogaan garoonkooda iyo marka ay martida yihiinba.

Taageerayaal dhan 4000 oo taageere ayaa u codeeyay in ay taageerayaasha kooxda Liverpool yihiin kuwa ugu qaylada iyo xamaasada badan marka ay joogaan Anfield iyo marka ay marti yihiinba.

Sida laga soo xigtay Natiijada Sky Sport taageerayaasha Liverpool ayaa kaalinta 1-aad galay iyaga oo ay ku xigeen kuwa Newcastle iyo Crystal Palace taageerayaasha ugu xamaasada badan premier League.

Waxa kaalinta 4-aad gashay kooxda Man United oo uu garoonkeedu qaado taageerayaal dhan 75,000 halka kooxda Stoke City dhamasytirtay 5-ta kooxood ee ugu sareeya.

Heesta ay Liverpool ee You’ll Never Walk Alone’, heesta West Ham ee I’m Forever Blowing Bubbles’ Iyo heesta Stoke city ee Delilah’ ayaa ah heesaha ay taageerayaashu ugu jecel yihiin.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada