Friday 21 September, 2018

Sawirro-Bandhigii Technoloyadda Soomaaliyeed oo Hadda Garoowe Lagu Soo Xirayo.

Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa hadda waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu soo xirayo barnaamijka Carwada bandhigga Technologyada Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood ah ka socotey xarunrta Jaamacadda.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ah xubno ka socda wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland, agaasimayaal ka socda xafiisyada warbaahinta Jubbaland iyo gobolka Banaadir, shirkadaha ka shaqeeya Technologyadda, dhalinyaro baratay cilmiga IT, ardayda jaamacadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Barnaamijkaani ayaa intii uu socdey waxaa lagu soo bandhigay barnaamij lagu magacaabo Somali Inovation Hub oo markii ugu horaysay lagu soo bandhigay Soomaaliya, iyadoona shirkado iyo shaqsiyaad ay ku soo bandhigeen ikhtiraacyo cusub oo quseeya Technologyadda.

SAWIRRO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: