Sunday 22 July, 2018

SAWIRRO+XOG-Maxaa Kajira In Saraakiishii Imaaraadku Hub iyo Macdan Kala Dhoofeen Boosaaso?

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa baaritaan ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ay ku sameeyeen saraakiil iyo khuburo katirsanaa tababarayaasha ciidanka badda Puntland ee PMPF una dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Xogtii ugu dambeysey ee Puntlandnews.net ka helayso garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa sheegaysa in guud ahaanba Khuburadan, Tababarayaasha iyo Shaqaalaha Imaaraatka Carabta laga reebay wax kasta oo ay wateen oo ahaa agabyo ciidan, ayna ku tageen oo kaliya Boorsooyinkooda shaqsiga ah, sidda ay cadeeyeen saraakiil katirsan Airporka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Saraakiishaan katirsanaa Imaaraadka ayaa waxaa lasheegay in qorsheynayeen in ay la dhoofaan agabyo Milateri oo ay ka mid yihiin Raadaarka diyaaradaha oo kurakibnaa garoonka milateri oo ay ku lahaayee duleedka magaalada Boosaaso.

Dowladda dalka Imaaraadka Carabta ayaa bixisay amarkaan guud ahaanba saraakiisheeda ay kaga saartay Boosaaso, kadib markii khilaaf diblumaasiyadeed uu soo kala dhexgalay dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, waxaana muranka ugu badan dhaliyey lacagtii 9 Million ahayd ee Muqdisho lagu qabtay.

SAWIRRO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "SAWIRRO+XOG-Maxaa Kajira In Saraakiishii Imaaraadku Hub iyo Macdan Kala Dhoofeen Boosaaso?"

  1. axmed says:

    Si fiican baa la yeeley, hala eryo xaaraanta. ma oga miyaa Puntland in ay tahey meeshii Halganka calanka Somaliyeed ka soo bilowdey? Imaaraad waxba dowladnimo kama yaqaan, waa sharikado ajnebi, waana waajib in la ero, waayo xadgudub ah ,kala doorta aniga iyo dowlada federaalka cidda maqli kartaa waayo? waa badow aan somali aqoon, iyo sida aan calankaas ku helney.

  2. Jiifdiid says:

    waxaan ka cabsi qabaaa bilaha ssoo socda in Ciidanka gadoooodaan mushahar la aaan

    Turki ama Qadar ma bixinaysaaa mushaaraadka

    Puntland siyaasada waa ka jiiftaa saan u arko

  3. inigoo ah rer mogdisho waa ay igula saxsan yahiin rer buntland in ay eryaan cid walbo oo xad gudub ku ah qarnimada somalia wlhi waa wadaniyiin somalia cadaw geeda alle haqabto

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada