Saturday 21 April, 2018

XOH CUSUB-Mid Kamid ah Golaha Wasiirada Khayre oo Hal Arrin Awgeed Xilka Looga Qaadayo (MAGAC+SAWIRKA).

Xog hoose oo warbaahinta qaarkeed heshay ayaa sheegaysa in isku shaandheynta lagu wado inuu sameeyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre la filayo iney ku baxdo Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur.

Sababta Wasiirada booskaasi ay ku weyneyso ayaa lagu sheegay iney tahay shaqsi ku heyn ah oo magaciisa la shaacin ayaa loo wadaa in loo magacaabo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo hadda aan lahayn Wasiir ka dib markii Wasiirkii hore ee Wasaaradda loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in isku shaandheynta lagu sameynayo Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya hadda gacanta uu kula jiro,islamarkaana laga yaabo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Wasiirada qaarkood ayaa laga yabaa iney saameyn ku yeelato isku shaandheynta.

XIGASHO-WARQAAD.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada