Friday 21 September, 2018

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo Maanta Carmo Lagu Caleema Saarayo.

Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa waxaa maanta ka dhacaysa munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo beel-daajaha guud ee beesha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo ka mid ah issimada Puntland.

Muanaasabadda caleema saarka ayaa waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Puntland, wafti ka socda dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Bari, Isimo iyo boqolaal shacab ah oo ka kala yimid Soomaaliya iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Inta ay socoto xafladda caleema saarka ayaa waxaa laga jeedin doonaa khudbado kala duwan oo quseeya shaqada dhaqanka Soomaaliyeed iyo sidii ay ula shaqayn lahaayeen Isinkaan cusub ee ku soo biiray saldanada, wadajirka umadda iyo arrimo kale.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: