Sunday 22 July, 2018

DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Furimaha Tukaraq iyo Pnews oo Xog Ka Heshay.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ayaa saaka u muuqata mid ka degan sidii hore inkastoo ay isku horfadhiyaan ciidanka labada dhinac oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka culus.

Ciidanka Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihiin fariisimadoodii deegaanka God-qaboobe ee duleedka Tukaraq, halka ciidanka Soomaaliland ay ku sugan yihiin Bariga magaalada, oo ay dhowaan ka samaysteen fariisimo horleh.

Qaar kamid ah dadka kunool Tukaraq oo saaka khadka Telefanka Kula Hadlay Puntlandnews.net ayaa sheegay in cabsida dagaal ee deegaankaasi ay weli taagan tahay inkastoo xiisaddu ay ka qabowdahay sidii ay ahayd maalmihii ugu dambeeyey.

Ilo wareedyo aan helaynay todobaadkii dhammaaday ayaa noo xaqiijiyey in Soomaaliland ay ogolaatay in ciidankeeda ay kala baxdo deegaanka Tukaraq islamarkaana ay dib ugu celiso deegaanka Gambara ee duleedka Laascaanood oo ah halkii ay horay uga soo ruuqaansadeen.

Beesha caalamka iyo dalalka deriska ah ayaa ilaa bishii 1aad ee sanadkaani waxa ay dedaal ugu jireen sidii loo baajin lahaa dagaal Tukaraq ku dhexmara Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, inkastoo markii hore madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu si cad u diidey ka bixitaanka Tukaraq.

Gudoomiyaha xisbiga caddaaladda iyo daryeelka bulshada Soomaaliland Faysal Cali Waraabe oo dhowaan ka hadlay xiisadda Tukaraq ayaa sheegay in dagaal aysan labada dhinac midna dani ugu jirin sidaasi darteedna ay haboon tahay in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo tanaasul.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Furimaha Tukaraq iyo Pnews oo Xog Ka Heshay."

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada