Sunday 22 July, 2018

DHEGAYSO-Isimadii Ka Socdey Somaliland oo War Ku Aadan Xaaladda Tukaraq Carmo Kaga Dhawaaqay Lana Hadlay Madaxweyne Gaas iyo Muuse Biixi.

Qaar kamid ah isimada soo jireenka ah ee ka soo jeeda deegaamada Puntland oo maanta ka qaybgalay munaasabadda caleema saarka Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mid kamid ah isimada Soomaaliland oo khudbad ka jeedinayey munaasabadda caleema saarka ayaa waxa uu sheegay in Isimadaii ka yimid deegaamada Soomaaliland oo gaarey Carmo ay madaxweynaha dowladda Puntland kala hadleen xiisadda gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Boqor Cismaan Buur-madaw oo kamid ahaa Isimada ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo munaasabadda ku sugnaa ugu baaqay inuu xaaladda deegaanka Tukaraq nabadgeliyo ka qaato ayna dhankooda Soomaaliland kala hadli doonaan arrimahaasi.

Dhanka kalena, boqor Buur-madaw ayaa waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo muddo dhowr bilooad ah xilka haya inuusan dagaal iyo colaad horleh ku bilaabin waayihiisa Soomaaliland kana shaqeeyo nabadda iyo wada deganaanshaha shacabka deriska ah.

Waxa uu sheegay in Isimada deegaamada Soomaaliland aysan raali ka ahayn in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay dagaal iyo dhibaato u bilowdo dad walaalo ah oo kujira xaalad abaareed iyo mid nololeed oo u baahan deganaansho nabadeed.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHEGAYSATO

Ugu dambayntiina waxa uu ugu baaqay saraakiisha ciidanka, madaxda labada maamul iyo waxgaradkuba inay isu taagaan sidii loo kala qaadi lahaa ciidanka labada dhinac ee isku horfadhiya deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in sinaba aan xilligaan loogu baahnayn xiisad iyo ciidamo is horfadhiya waqtigaan xasaasiga ah.

 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DHEGAYSO-Isimadii Ka Socdey Somaliland oo War Ku Aadan Xaaladda Tukaraq Carmo Kaga Dhawaaqay Lana Hadlay Madaxweyne Gaas iyo Muuse Biixi."

  1. axmed says:

    Maxaa la kala qaadaa ee uu sheegayaa, iyagaa soo duuley runta ma u sheegi waayey in ay qaataan Ciidamadooda.

  2. Beeni raad male buradow nabada gurigiisa hakaso sameyo dagaalka udhexeya ditwaqoyi iyo harti naha miid ku istagaya hadal uu but madow shuubay
    xalka kaliyo furaan wadagaal rer hargaysa ma iyagga dhaxlay xadki ingiriiska qabiil bay ahayeen uu gumaystay ingiriis.marka wa dagaalkNu wa dagaal damac isiir salka ku haya mibka waxa wadana wa idiir iyagu haday dan toda gartana nabaad wahelayan hadi kalena wala edbinya.siiday ahan jirtay

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada