Sunday 22 July, 2018

DEG DEG-Wafti Ka Socda Imaaraadka oo Gaarey Boosaaso iyo Warar Ka Soo Cusboonaaday Saraakiishii Dhoofay.

Maalinimadii shalay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhoofay saraakiil iyo khuburo katirsanaa tababarayaashii ciidanka badda Puntland oo saldhig weyn kuleh duleedka magaalada Boosaaso.

Dhoofka saraakiishaasi ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo shalay siweyn loo hadal hayey inay ka guureen guud ahaanba deegaamada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso kadib markii uu xumaaday xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Warar horleh oo soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiishii iyo khuburadii shalay ka dhooftay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ay ahaayeen 24 xubnood oo uu u dhammaaday xilligii joogitaanka Soomaaliya gaar ahaan deegaamada Puntland dhowaana la soo bedeli doono.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta soo gaarey wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo hordhac u ah wafti uu hogaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya oo dhowaan ku soo wajahan magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lafilayaa inay kulan ku qaadan doonaan madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya oo ka wada arrinsan doona xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ciidamada Puntland iyo taageerada dowladda Imaaraadka.

Dhanka kalena, aliyaha guud ee ciidanka badda Puntland Admiral Cabdiraaq Diiriye Faarax oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday arrimaha la xiriira bixitaanka saraakiishaasi, wuxuuna sheegay in arrintaani ay tahay go’aan dowladeed uusanna ka hadli doono ilaa dowladda dhexe war ka soo saarto.

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta PN ayaa sheegaysa inay been abuur yihiin wararka sheegaya in Imaaraadku uu guud ahaanba joojin doono taageerada uu siiyo ciidanka badda Puntland, ayna sii wadi doonto taageerada ciidamada PMPF ee Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DEG DEG-Wafti Ka Socda Imaaraadka oo Gaarey Boosaaso iyo Warar Ka Soo Cusboonaaday Saraakiishii Dhoofay."

  1. maxamed sulub says:

    wariyeyasha somalida oo maregaha wax ku qora wa benalayal,warararka aay bahiyen waxay ubadan yihin been lagu degdegay,waxas waxa sameynaya wa dhalinyara somalida oo been iska camiranaya,taas oo ceeb ku ah wariyenimada dhalinta somalida,oo loqadan karo kuwo aan baran oo sharciga saxafada meel kaga dhacaya warbahinta aduunka,markey dhahayan sarakisha & khubarada taba bara cidamada mariniska puntland ee imaradka carabta oo dhalinta aqoonta yare ee somalidu shegen in puntland laga eryey taas oo been abuur noqotay.

  2. WACAYS says:

    Habiqlayso BUDHLAYN jaaniskaas waaaa beeeer daraysay

  3. ahmed says:

    Kan wacays lay yirahdo muxuu la baqleeyahay oo uu ka hadlaayaa inma wax ma ka fahamteen hadalkiis.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada