Friday 21 September, 2018

DHEGAYSO-Dalabkii Isimada Somaliland ee Joojinta Colaadda Tukaraq iyo Jawaabtii Madaxweyne Gaas.

Qaar kamid ah isimada soo jireenka ah ee ka soo jeeda deegaamada Puntland oo ka qaybgalay munaasabadda caleema saarka Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mid kamid ah isimada Soomaaliland oo khudbad ka jeedinayey munaasabadda caleema saarka ayaa waxa uu sheegay in Isimadaii ka yimid deegaamada Soomaaliland oo gaarey Carmo ay madaxweynaha dowladda Puntland kala hadleen xiisadda gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Boqor Cismaan Buur-madaw oo kamid ahaa Isimada ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo munaasabadda ku sugnaa ugu baaqay inuu xaaladda deegaanka Tukaraq nabadgeliyo ka qaato ayna dhankooda Soomaaliland kala hadli doonaan arrimahaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay munaasabadda Caleema-Saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ka dhacday magaalada Carmo, ayaa si rasmi ah u sheegay in uu aqbalay dalabkii uga yimid Boqor Buurmadow oo ka soo jeeda dhinaca Somaliland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Puntland waligeedna caan ku ahayd nabadda iyo deris wanaaga oo ay soo dhaweynayso dadaal kasta oo wanaagsan, balse wuxuu sheegay in uu dalabkaas aqbali doono marka uu yeelo Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Gaas wuxuu muujiyey in uu si adag ugu jawaabay Boqor Buurmadow oo keenay dalabkan, waxaana u muuqata in ay talaabadaas ahayd mid siyaasadeed oo duurxul ah.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DHEGAYSO-Dalabkii Isimada Somaliland ee Joojinta Colaadda Tukaraq iyo Jawaabtii Madaxweyne Gaas."

  1. kayse says:

    mansha allaah wan so dhawaynaymaa dhexdhexaadintaa

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: