Friday 21 September, 2018

DHEGAYSO-Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Farriin u Diray Beel-daaje Maxamed iyo Somalida Ku Sugan Carmo.

Goor dhoweyd waxaa si rasmi ah degmada Carmo ee gobolka Bari loogu caana shubay beel daajaha guud ee beesha Cali Saleebaan Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil, iyadoona ay weli socoto xafladdii caleema saarku.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada ugu caansan guud ahaan deegaamada Puntland oo ka hadlay munaasabadda caleema saarka ayaa ugu horayn soo dhoweeyey Beel-daajaha ku soo biiray Isimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deegaamada Puntland.

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, ayaa sheegay in ka isimo ahaan ay soo dhoweynayaan Isinka cusub oo ka soo jeeda Saldano dheer haseyeeshee loo baahan yahay in beesha u soo garatay waajibaadkaan iyo shaqadaan adag ay garab istaagaan ayna ku gacan siiyaan inuu hanaan iyo haybad isinimo ku hago iyaguna kaga dambeeyaan.

Dhanka kalena, Islaanka ayaa waxa uu sheegay in Isinka cusub ay soo wajihi doonaan shaqooyin adag oo u baahan go’aamo adag oo ku salaysan caddaalad, loogana baahan yahay inuu xaqqa iyo caddaaladda ku hogaamiyo inta maanta dooratay.

Ugu dambayntiina Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlayey arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay goobta joogaan umadda Soomaaliyeed labeenteedii, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed dib laysugu soo celiyo markii ay xafladdu dhammaatana meesha laga saaro in qabiilo iyo reero lakala yeesho.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHEGAYSATO

Islaanka ayaa ka qaybgalayaasha xafladda ku booriyey in qof walba gobolkii iyo deegaankii uu kayimid uu dib ugu celiyo Soomaalinimo iyo in dadkii dib laysugu soo celiyo.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: