Sunday 22 July, 2018

Jose Mourinho oo Farriin U Diray Paul Pogba Shaaciyeyna Hal Arrin oo uu Qaabkiisa Ku Soo Ceshan Karo.

Tababaraha kooxda kubadda cagte ee Manchester United Jose Mourinho ayaa farriin u diray xidiga khadka dhexe ee Manchester iyo xulka France Paul Pogba oo ciyaar cajiib ah soo bandhigay kulankii ay todobaadkii hore 3 iyo 2 kaga adkaadeen deriskooda Manchester City.

Jose Mourinho oo u muuqda mid xidigaan ku duraya tababarka kooxda ayaa ku booriyey inuu kulan walba intaas iyo ka badan soo bandhigo, islamarkaana uu shaqada ka bilaabo tababarka kooxda.

“Waa inuu isku dayaa inuu ilaashado heerkaasi deganaanshaha ah, deganaanshahaasi oo ku hagi doona bandhig cajiib ah, sidii dhacday kulankii Manchester City”, Ayuu yiri Mourinho.

“Shaqada 1aad iyo deganaanshaha ciyaareed wuxuu ka bilowdaa heerka tababarka, heerka uu joogey saddexdii asbuuc ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid cajiib ah aadbaana ugu faraxsanahay”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada