Friday 20 April, 2018

XOG CUSUB-Immisa Sarkaal ayaa Shalay Ka Baxay Xerada PMPF ee Boosaaso iyo Tirada Harsan oo Lakulmaya Madaxweyne Gaas.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa go’aankii shalay magaalada Boosaaso ay diyaaradda kaga raaceen khuburadii iyo saraakiishii gacanta ku hayey tababarada xerada ciidanka booliska badda Puntland (PMPF) ee magaalada Boosaaso.

Wararkii ugu dambeeyey ee warsidaha Puntlandnews.net uu helayo ayaa sheegaya inay weli jiraan saraakiil iyo khuburo ku harsan xarunta tababarka ciidanka ee magaalada Boosaaso, kuwaasi oo qayb ka ahaa tababarayaasha ciidanka badda Puntland.

Dhanka kalena, warar hoose ayaa sheegaya in saraakiisha harsan ay dhowaan kulamo xasaasi ah la qaadan doonaan madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo hadda ku sugan degamda Carmo lana filayo inuu dhowaan gaaro magaalada Boosaaso.

Saraakiisha iyo khuburada maalinimadii shalay ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa tiradooda lagu sheegay 24 xubnood, waxaana bixitaankooda sabab u ahaa khilaafka soo kala dhexgalay dowladdaha Soomaaliya iyo imaaraadka Carabta.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada