Friday 20 April, 2018

XOG+WARAYSI-Madaxweyne Gaas oo Booqanaya Xerada PMPF, Imaaraadka oo Sii Wada Taageerada Puntland iyo Falanqayn Ku Saabsan.

Maalinimadii shalay saraakiil iyo khuburo katirsan tababarayaasha ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa waxa ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii ay isku dheceen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Imaaraadka Carabta.

Taliyaha guud ee ciidanka badda Puntland Admiral Cabdiraaq Diiriye Faarax oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday arrimaha la xiriira bixitaanka saraakiishaasi, wuxuuna sheegay in arrintaani ay tahay go’aan dowladeed uusanna ka hadli doono ilaa dowladda dhexe war ka soo saarto.

Dhanka kalena, xog ay heshay Pnews ayaa sheegaya inay been abuur yihiin wararka sheegaya in Imaaraadku uu guud ahaanba joojin doono taageerada uu siiyo ciidanka badda Puntland, ayna sii wadi doonto taageerada ciidamada PMPF ee Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo hadda ku sugan degmada Carmo ayaa lagu wadaa inuu maalinimada berri ah booqdo xarunta guud ee taliska ciidanka badda Puntland ee Qaw halkaasi oo uu kula kulmi doono saraakiisha ciidanka badda Puntland iyo kuwa ku harsan ee Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa la filayaa inuu saraakiisha harsan ee Imaaraadka Carabta kala hadli doono arrimaha wada shaqaynta labada dhinac oo aan ahayn mid siyaasadeed haseyeeshee ah mid wadashaqayn dhanka ammaanka iyo tababarada ciidanka ah.

Xilidhinaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo waraysi sinayaay caawa Radio daljir ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo arrintas ,isago sheegay in imaraadka marki hore uu dantiisa u joogay Puntland hadana uu so dhaweynayo inu kabaxo Puntland.

Dhinaca Kale Cabdi Bare wuxau sheegay in dowladda somalaiya gaar ahaan wasaarada arrimaha dibadda ay ku Fashilantay Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada