Friday 20 April, 2018

BREAKING NEWS-Warbaahinta oo Looga Yeeray Aqalka Madaxtooyada Boosaaso iyo Madaxweyne Gaas oo Ku Dhawaaqaya

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa goor dhow lafilayaa inuu warbaahinta kula hadli doono aqalka madaxtooyada, isagoona ka hadli doona arrimaha mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku kawado Puntland gaar ahaan tababarada ciidanka badda.

Xog hoose ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Puntland ay xalay wada hadalo yeesheen saraakiisha Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimaha taagan iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa, waxaana la sugayaa natiijadii ka soo baxday oo uu ka hadli doono Madaxweyne Gaas.

Bahda warfidiyeenka ayaa hadda madaxtooyada ku sugaya shirka jaraa’id ee Madaxweynuhu qaban doono oo aroornimo hore lagu soo wargaliyey, waxaana la adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Boosaaso, maadaama ay hadda kusugan yihiin Madax kala duwan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada