Thursday 20 September, 2018

DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Tukaraq iyo Somaliland oo Ka Jawaabtay Dalabkii Buur-madaw Xiisadna Sii Hurisay.

Ciidanka Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa weli isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamo dhowr ah oo hoosyimaada. Wararkii ugu dambeeyey ee caawa ilaa galabta aanu ka helayno deegaankaasi ayaa sheegaya inaysan jirin wax dagaal ah walow diyaar garawga ciidan uu marwalba sii kordhayo.

Qaar kamid ah shacabka kunool deegaankaasi oo lahadlay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka labada dhinac ay ku sugan yihiin fariisimadooda, waxaana ay ugu baaqeen labada dhinac inay kala qaadaan ciidankaasi.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socdey waanwaan ay waddo beesha caalamku oo ku aaddan sidii labada dhinac looga dhaadhicin lahaa in laga baaqsado dagaal ka dhaca deegaanka ayna ciidanka kala qaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay bilowgii sanadkaani inuusan ciidankiisa ka saari doonin Tukaraq walow ay indhowaalahaan soo baxayeen warar sheegaya inuu ogolaaday inay ku laabtaan deegaanka Gambara.

Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madaw oo katirsan isimada waaweyn ee Soomaaliland ayaa ugu baaqay madaxda Puntland iyo Soomaaliland inay xiisadda nabad u bedelaan kalana qaadaan ciidamada weli is horfadhiya.

DHEGAYSO

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka jawaabey dalabkaasi ayaa shegay in dowladda Puntland ay marwalba soo dhoweynayso deris wanaagga iyo nabadda haseyeeshee Soomaaliland ay waddo daandaansi iyo dalbalaarsi.

DHEGAYSO

Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliland oo dhankooda ka hadlay codsiga Boqor Buur-Madaw ayaa waxa ay sheegeen inuu yahay nin iska hadlay aysana ku raacsanayn dalabkiisa iyagoona sii huriyey xiisadda Tukaraq.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: