Sunday 22 July, 2018

DEG DEG-Dowladda Imaaraadka oo Tababarayaasheedii iyo Agabkeedii Kala Baxday Muqdisho.

Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii Milateri ee ay siin jirtay dawladda Faderaalka iyo Saldhigyada Milateri ee kuyaala Koonfurta dalka ayay la baxaysaa qalabkii iyo Agabyadii Milateri ee kayaalay Dugsiga Jen, Gordan ee magaalada Muqdisho.

Baabuur xambaarsan Kunteero ay ku jiraan qalabka Milateriga oo iskugu jira noocyo kala duwan ayaa ka dhoofaya maanta magaalada Muqdisho, waxaana la geyn doonaa dalka Iskutaga Imaaraatka Carabta oo markii horeba laga keenay.

Xiritaanka Dugsiga Tababarada ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa ahayd halka ugu badan ee lagu hayo ciidamada ugu carbisan eekusugnaa caasumada, waxaana tababarada siinayey khuburo Ajnabi ah oo u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay joojisay heshiiskii kala dhaxeeyey Imaaraatka Carabta ee dhinaca Iskaashiga Ammaanka & dibu dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, taas oo ahayd bar bilow aan diblumaasiyadda gabi ahaanba waxba sal ah ku laheyn.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada