Friday 20 April, 2018

DHEGAYSO-General Morgan oo Boosaaso Ku Sugan Maxaa u Qorshaysan Kadib Caleema-saarkii Beel-daajaha.

Wasiirkii hore ee gaashaankdhigga dowladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) ayaa dhowaan waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoona u soo gudbey degmada Carmo ee gobolka Bari.

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa waxa uu degamda Carmo kaga qaybgalay caleema saarka beel-daajaha guud ee beesha Cali Saleebaan oo shalay loogu caana shubay degmada Carmo oo fariisin u noqon doonta.

Haddaba General Morgan ayaa waxaa markii uu dhowaan soo gaarey magaalada Boosaaso waxa uu ka warbixiyey ujeedka socdaalkiisa, isagoona xusay in ujeedada ugu weyni ay tahay ka qaybgalka caana shubka beel-daajaha, wixii ka dambeeyana uu xilligooda ka hadli doono.

DHEGAYSO HADALKIISA DHUUX

General Morgan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegayey inuu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada ee Puntland oo doorasho ay ka dhici doonto bilowga sanadka dambe ee 2019.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DHEGAYSO-General Morgan oo Boosaaso Ku Sugan Maxaa u Qorshaysan Kadib Caleema-saarkii Beel-daajaha."

  1. maxamed sulub says:

    waxan raba dhalinyarada baraha bulshada wax kuqa in aan xususiyo waxyabo badan oo aay ka bodan,Gen.morgan wa in so shaqeyey wax badana dadka puntland uqabtay,waxase fican in uu laqabsado wacyiga jira,waxa dhici karta in aay habontahay in uu xilal kale ka qabto puntland,anigu kutalin mayo in uu isu sharaxo xilka ugu sareya.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada