Friday 20 April, 2018

DHEGAYSO-Madaxweyne Gaas oo Caddeeyey Inaysan Cidna Ku Doorsanayn Taageerada Imaaraadka Beeniyeyna Inuu Ka Baxay Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay wararka sheegayey in dowladda Imaaraadku ay joojinayso tababarka ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Mudnae Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xariirka dhanka ammaanka ah uu si gaar ah ugala dhaxeeyo Imaaraatka Carabta, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada, la dagaalanka Burcad Badeeda, La dagaalanka Tahriibka iyo La dagaalanka Kalluumeysiga Sharci daradda ah, isagoo sheegay in shaqadaas baaxada weyn ay qabtaan ciidamada uu gacanta ku hayso dawladda Imaaratka Carabta.

Dhanka kalena madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadan ayi yihiin ciidamada ugu qalabka, tayadda iyo waxtarka wanaagsan ee guud ahaan Soomaaliya, ayna yihiin cudud aan cidna ku heysan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday dawladda Imaaraatka Carabta in ay sii wado taageerada ciidamada Badda Puntland, si loo kor loogu qaado la dagaalanka Argagixisada, Burcad Badeeda, Jariifka & La dagaalanka Tahriibka.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada