Sunday 22 July, 2018

DHEGAYSO-Madaxweyne Gaas oo Ku Kaftamay Inuu Isin Noqonayo Laakiin Uusan Shaqada Ku Haysan Islaankiisa.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah shaqsi furfuran bulshadana siweyn ula kaftama xilliyada qaar oo ka hadlay shaqada adag ee siyaasiyiintu hayaan ayaa ku kaftamay inuu xilka siyaasiga ka doorbidi lahaa midka Isinimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan Islaanka guud ee beeshiisa xilka ku haysan haseyeeshee loo sheegay boos yar oo reerka ka banaan walow uusan carrabaabin booskaasi kaftanka ah ee madaxweynaha dowladda Puntland uu sheegay.

DHEGAYSO

Hadalkaan kaftanka ah ee madaxweynaha ayaa u muuqday mid uu Isimada ku tusinayo shaqada iyo dhibaatada ay hayaan ragga siyaasiyiinta ah ee xilalka u haya dadweynaha guud ahaan Soomaaliya iyo in mararka qaar ay Isinimadu ka fududahay.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada