Friday 20 April, 2018

DHEGAYSO-Senator Jurile oo Soodhoweeyey Taageerada Puntland ee Imaaraadka Tilmaamayna Inaysan Cidna Ula Mid Ahayn.

Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile ayaa siweyn u soo dhoweeyey taageeradii dowladda Puntland u fidisay dalka Imaaraadka Carabta.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile, ayaa waxa uu sheegay in xilligaan iyo xitaa dowladnimadii kahor Soomaaliya aysan jirin cid uga wanaagsan Imaaraadka, ayna lagama maarmaan tahay in la dhammeeyo xurgufta siyaasadeed.

XIldhibaanka ayaa waxa uu siweyn u soo dhoweeyey go’aankii uu maanta madaxweynaha dowladda Puntland ku taageeray dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuu ahaa go’aan geesinimo leh.

DHEGAYSO

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay wararka sheegayey in dowladda Imaaraadku ay joojinayso tababarka ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Mudnae Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada