Friday 21 September, 2018

FALANQAYN+DHEGAYSI-Shan Qodob oo Sababay Khilaafka Imaaraadka iyo DFS iyo 5 Qodob oo Madaxweyne Gaas Xeeriyey Kuna Taageeray.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa cirka isku sii shareerayey xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo sababtay in Imaaraadku xiro xarumo uu gacanta ku hayey oo kuyaal Muqdisho.

Waxaa jirey qodobo dhowr ah oo saldhig u ahaa khilaafka xoogaystay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 2017.

AKHRISO

1-Taageerada Imaaraadku siiyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Farmaajo hogaamiyo.

2-Weerarkii ciidamo Imaaraadku tababaray ku qaadeen guriga senator Cabdi Qaybdiid.

3-Dhex dhexaadnimadii Farmaajo ee xiisadda Imaaraadka iyo Qadar.

4-Arrimo la xiriira mooshinkii gudoomiye Jawaari.

5-In ka badan 9 Million oo dollar oo Imaaraadka looga qabtay Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay Imaaraadka kala wareegayaan xarumaha ciidanka iyo ciidamadii uu ku tababaray guud ahaan Soomaaliya, taasi oo hadal haynta ugu weyni ka dhalatay Puntland.

Warbaahinta ayaa baahisay in saraakiishii iyo tababarayaashii ciidanka badda Puntland tababarayey ay ka dhoofeen magaalada Boosaaso, taasi oo ugu dambayntii beenowday.

Haddaba madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta ciidanka badda Puntland ee Qaw ku xaqiijiyey in Imaaraadku uusan ka baxayn Puntland siina wadi doono taageerada ciidanka badda Puntland.

AKHRISO QODOBADA PUNTLAND GO’AANKEEDU SALKA KU HAYO

1-Xiriirka Soo Jireenka ah ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya

2-Taageeradii Imaaraadka ee Soomaaliya Kadib Burburkii dowladdii dhexe

3-Xiriirka ganacsi ee Imaaraadka iyo Soomaalida

4-Mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku kawado Puntland

5-Tababarada iyo dhaqaalaha Imaaraadku siiyo ciidanka Puntland.

DHEGAYSO SHIRKII JARAA’ID EE MADAXWEYNE GAAS

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: