Tuesday 19 June, 2018

Taageerayaasha Roma oo Ka Walaacsan Dhaawaca Kostas Manolas Kahor Kulanka Liverpool.

Kooxda kubadda cagta ee Roma oo ka dhisan dalka Italy ayaa wayn doonta mid kamid ah daafacyadoodii ugu wanaagsanaa ee xilli ciyaareedkaani, ahaana xidigii dhaliyey goal-kii u suura geliyey inay Barcelona ka reebaan kooba Champions League Xilli ciyaareedkaani.

Kostas Manolas, ayaa todobaadkii dhammaaday madaxa ku dhaliyey goalkii 3aad ee kooxda Roma kaasi oo u sahlay inay goalasha martida kaga soo baxaan mid kamid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida (Barcelona).

Kooxda Roma ayaa todobaadka dambe wajihi doonta dhigooda Liverpool lugta 1aad ee Semi Finalka Champions League hase yeeshee Calciomercato ayaa shaaca ka qaaday in xidigaani uu dhaawacmay kulankii horyaalka kooxdiisu barbaraha 0 iyo 0 ah la gashay Lasio, inkastoo aysan weli kooxdu weli ka hadlin.

Roma ayaa waxaa haddii uu ka maqnaado xidigaani ay faa’iido u noqon doontaa Liverpool waxaana ay ku khasbanaan doontaa inay wada ciyaarsiiso Juan iyo Federico Fazio.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada