Friday 20 April, 2018

WARAYSI-Khilaaf Ka Taagan Gobolka Sanaag iyo Farriin Ku Socota Dowladda Puntland.

Degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag (Puntland) ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey ka taagnaa khilaaf u dhexeeya maamulka degmada Ceel-buh iyo qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka kunool degmadaasi.

Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa furtay xafiis xusub oo ay sheegeen inuu u adeegi doono bulshada kunool degmada Ceel-buh, iyagoona maamulka degamdaasi ku eedeeyey musuq maasuq iyo xil gudasho la’aan dib u dhigtay horumarka deegaanka.

Xubnaha gacanta ku haya xafiiskaani ayaa sheegay inay dhowaan soo dhisi doonaan gole deegaan oo ka shaqayn doono sidii loo soo dhisi lahaa gole deegaan oo cusub oo ay raali ka yihiin bulshada kunool deegaankaasi, walow ay xuseen in wasaaradda arrimaha gudaha Puntland aysan ogolaansho ka helin.

Dr Cabdicasiis Maxamuud Cabdisalaan ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir kaga hadlay baahida xiligaan kusoo beegay golaha deegaanka ee degmada loo samaynayo iyo waxa uu soo kordhinayo.

DHEGAYSO

Odayaashaan ayaa sheegay in maamulkii hore uu guryihiisa xafiis ka dhigtay aysan ogolayn in wax layska waydiiyo horumarka degmadaasi iyo mashaariicda ay bixiyaan hay’addaha ka howlgala guud ahaan gobolka Sanaag ee Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada