Friday 20 April, 2018

Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug iyo Alshabaab Wata Gaadiid Dagaal oo Qabsaday.

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanka Bacaadweyne ee dhaca koofurta gobolka Mudug halkaas oo ay soo gaareen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo watay gaadiid dagaal.

Al-shabaabkii soo gaaray deegaanka Bacaadweyne ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka ee deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn waxa Al-shabaab ay u sheegeyn odoyaashaasi.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa rasaas meel dheer ah ugu soo riday Al-shabaabkii la hadlayay odoyaasha.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug iyo Alshabaab Wata Gaadiid Dagaal oo Qabsaday."

  1. Haliye says:

    Dadka wax qora wax badan ka ma oga juqraafiga dhulka, waayo Bacaadweyn, Xarfo iyo Gaalkacyo ayay u dhaxaysaa maxaa keenay alshabaab iyo Galmudug.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada