Friday 20 April, 2018

XOG HORDHAC AH-Madaxweyne Gaas oo Gaarey Taliska Ciidanka Badda ee Imaaraadku Tababaro Lana Kulansan Saraakiil Imaaraad ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ku sugan xarunta deegaanka QAW ee ciidanka badda Puntland, wuxuuna shir albaabadu u xiran yihiin la leeyahay Saraakiisha ciidamada ee Soomaalida & Imaaraatka Carabta iskugu jirta ayna ka wada hadlayaan waxyaabihii dhacay.

Qaar kamid ah bahda warbaahinta oo la socda madaxweynaha dowladda Puntland ayaa soo sheegaya inuu Madaxweynuhu ka hadli doona arrimahaasi marka ay dhamaato booqashada uu hadda ku marayo qeybaha kala duwan ee Saldhiga ciidamada badda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lafilayaa inuu caddeeyo mowqifka Puntland ee xiriirka xumaaday ee Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana ay u badan tahay inuusan wax saamayn ah kuyeelan doonin tababarka imaaraadku siiyo ciidanka Puntland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "XOG HORDHAC AH-Madaxweyne Gaas oo Gaarey Taliska Ciidanka Badda ee Imaaraadku Tababaro Lana Kulansan Saraakiil Imaaraad ah."

  1. maxamed sulub says:

    Hadan Rayigeyga ka hadlo,arinta somaliya Imaradka Carabta gar’ahan xirirka puntland & imaradka carabta,sida laga warqabo,gud ahan somaliya & imaradka carabta,waxuu aha xirir so jireen ah oo ganacsi & wax istar ku dhisan,wayahan danbe waxa isaso tarayey,in salugmo badan so baxayen,gaar ahaan xukumada fadaralk somaliya & imaradka carabta,kaas oo salka ku haya lolan lagu lolamayo somaliya,waxad ogtihin wadaanka Qadar & imaradka waxa so kala dhex galay khilaf,war ka so baxay MD.fadaralka somaliya ayaa shegay wadamada khalijka arinta dhex taal waxan ka nahay dhexdhaxad,hase yeshe waxa muqanaysa in xukumadu ulicsantahay dhanka Qadar.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada