Saturday 21 April, 2018

Alshabaab Ku Hubaysan Gaadiidka Dagaalka oo Gobolka Mudug Soo Galay iyo Ciidanka Puntland oo Heegan ah.

Wararka aanu caawa ka helayno deegaamo katirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi kadib markii ay soo galeen dagaalyahano katirsan Alshabaab oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus.

Xoogaggaan katirsan Alshabaab oo ka soo kicitimay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyo koonfurta gobolka Mudug ayaa waxa ay gaareen deegaanka Bacaadweyne oo dhaca koonfurta gobolka Mudug oo Galmudug ay ka arrimiso.

Al-shabaabkii soo gaaray deegaanka Bacaadweyne ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka ee deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn waxa Al-shabaab ay u sheegeyn odoyaashaasi. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa rasaas meel dheer ah ugu soo riday Al-shabaabkii la hadlayay odoyaasha.

Maamulka Galmudug oo ka arrimiya koonfurta gobolka Mudug ayaa la sheegay inuu heegan geliyey ciidankiisa, waxaana sidoo kale il gaar ah ku haya arrimahaasi ciidanka badda Puntland oo fariisimo kuleh xeebaha Garacad ee gobolka Mudug.

Sanadkii 2015-kii ayey ahayd markii dagaalyahano katirsan ururka Alshabaab oo ka soo ruuqaansaday xeebaha Xaradheere iyo Hobyo ee koonfurta gobolka Mudug ay ka soo degeen xeebaha Garacad iyo Suuj ee Puntland iyadoona ugu dambayntii ciidanka Puntland ka saareen.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

5 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "Alshabaab Ku Hubaysan Gaadiidka Dagaalka oo Gobolka Mudug Soo Galay iyo Ciidanka Puntland oo Heegan ah."

  1. laandheere says:

    kan waxaan soo qorey waa ANTI PUNTLAND LKN WAXAAN LEENAHAY PUNTLAND RAG IYO RABI BEY LEEDAHAY DAQSIYOOW URUR OO URUR OO HAAN AABURKA KA QAAD BAA LEENAHAY ILEYN IDINKOO MIIRAN SAAN BAA LA IDINKUGU JAWAABAAYE WAA DADKA WARXUMA TASHIILKA AH EE WAXAAN SOO QOREY BEY KU SOCOTAA

  2. Jiifdiid says:

    Ciidankii Mudug difaaci lahaa waxa Joogaan Tukaraq

    Tukaraq Gaas waa diiday in Dagaal lagu qaado wiilasha Mudug difaaci lahaa hala celiyo
    si deg deg eh

    6 kun oo wiil baa jooga garoowe ilaa tukaraq Roob,qabow,Qorax,ku dilayaa ayaan walbo

  3. maxamed sulub says:

    puntland waliged colad & dulan lagu aha cid guul ka hesha lama shegin,sababto ah sababto ah wa dad nabaded oo dawladnimo jecel,cid wax gula ka helaysa majirto,kuwa hader la shegayo isha ala kuwi hore meshay mareen & meel kaxun ayey mari donan.

  4. waxa lodiiray ciidamo kufilan jojiiya xalasaha difaca oo ad halkan kaga hadlayso ninka labxay jidhif.alshbaab 1 sac qadan mayan inta laga takhalusayo wan qoshe argagixiisi kora walaga duqaynya.nimankan wa niman dirta waqooti uu badan culayska somaliland saran bay raban inay qab kafajiyaan lakiin kuligood walaysaga filanyahay.

  5. Haliye says:

    Bacaadweyn maaha ee waa bacaadweyne waa meel Galmudug ka tirsan oo u show xarardheero iyo Hobyo walba way joogeen meelahaas ama meelo aan ka Dorgan.
    Pl -na kulaylkay tustay usoo noqon maayaan haday caqli la’yihiin.
    DHAMAC IYO KABTAY MA ARAGTAY BAA LAGU SAMEEYAY

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada