Friday 21 September, 2018

DAAWO-Ciidankii Imaaraadku U Tababaray Puntland oo Indhaha Ka Xaday DFS Sameeyeyna Bandhig Cajiib ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kormeer ku tagey xarunta ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Puntland, islamarhaantaana ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Dawladda Isutaga Imaaraatka Carbta iyo Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan gaara la qaatey madaxa xarunta UAE uqaabilsan PMPF Boosaaso, islamar ahaantaana waxaa uu Madaxweynu xaruntaasi uu salaan sharf kaga qaatey cutubyo Katirsan ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF, kadibna hadal kooban oo dardaaran iyo dhiiri gelin ah uga soo jeediyey ciidanka”

“Aad  baan idiin salaamayaa farxad iyo rayn-rayn weyn bay noo tahay inaan maanta halkaan idinku soo booqano aniga iyo wafdiga ila socdaba, Dawladda Puntland iyo  Sanatarada aqlka sare ee Dawladda Puntland umatala DFS sharaf weyn bay inoo tahay inaan idiin imaadno, idin soo booqano, eegno xaalada ciidan ee aad ku jirtaan, aad ku sugan tihiin, idinku bogaadino shaqada muhiimka ah ee aad dalka u haysaan, weliba rabno hortiina inaan ka cadeeyo,  idiin sheegana inaad tihiin ciidanka Soomaaliya ugu wanaagsan, uguna fiican, ugu tababarka fiican, u akhlaaq fiican, u hawlkarsan, una shaqada badan,  siyaabo badan oo dadku ogeyna aad ugu adeegtaan Puntland iyo Soomaaliyaba,  ha noqoto ladagaalakan xagjirka ama Shabaab, Daacish iyo wixii lamida la dagaalanka cidkasta oo dhib ka abuureysa xuduudaha Puntland, ladagaalanka Burcad-Badeeda, ladagaalanka kaluumaysiga sharci darada ah iyo ladagaalanka tahriibka, marka la yiraahdo ciidanka Badda Puntland dadbadani ma fahansana shaqooyinka tirada badan ee aad dalka ka haysaan, inaad gudaha  dalka berri iyo badba aad ka shaqeysaan,  kuna filan tihiin shaqada aad haysaan,  waa inay dadku ogaadaan shaqooyinka aad haysaan inay ka baxsan yihiin kuwii la idnku tala galay, waxaan idiin sheegayaa inay Puntland aad ugu faraxsan tahay shaqada wanaagsan ee aad haysaan, waxaan idin leeyahay shaqada wanaagsan ee aad dalkiina u haysaan sii wada horeyna uga sii socdsiiya, wanaagaas badan ee aad dadka u haysaan reer Puntland waa idiin  ogyihiin,  Soomaaliya baan rabnaa inaan sidaa ugu sheegno aad iyo aad baad u mahadsan tihiin marar badan oo kale waan idin soo noqoneynaa ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shir jaraa’id oo uu qabtey kaga hadlay mawqifka Dawladda Puntland ay ka taagan tahay arimaha Iskutaga Imaaraatka Carbta iyo DFS waxaana uu madaxweynuhu yiri”

“Dawladda Isutaga Imaaraataka Carabta iyo Dawladda Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanagsan, gancsiga waa xiriirka ugu weyn ee Soomaaliya uu la leeyahay dalkan waxa Soomaaliya la kenaa waa wax lagu keeney doonyo iyo maraakiib ka timaada Dubai iyo Abu Dubai ka, waxa dalkaani ganacsigiisa ku dhisan yahay kumayaal soomaali ah ayaa ka shaqeeya, ganacsi ku leh, deegaan ku leh saas daradeed xiriirkoodu waa xiriir qiimo gaara noogu fadhiya anaga qadarin gaarana naga mudan ilaalin gaarana nagu waajibinaya,  Dowladda  Isutaga Imaaraatka Carbta waxaa naga dhexeeya xiriir dhanka amniga ah, amingaas oo ka kooban markaan eegno xiriirka Puntland kala dhexeeya la dagaalanka xagjirnimada oo ay naga saacidaan ladagaalanka Al Shabaab, Daacish, ladagaalanka Burcad Badeeda, ladagaalanka tahriibka iyo dhicida khayraadka dalka ama kaluumaysiga sharci darada ah, intaaso dhan waxa qabta waa ciidanka aan maanta halkan ugu nimaadnay ciidnkaas waa ciidan ku dhaw 2,000 waxayna ka hawl galaan Puntland oo dhan Bad iyo Berriba waxay joogaan Garacad, Eyl, Isku-Shuban, Baargaal, ceelaayo, Boosaaso, Qandala iyo meelo kale oo badan oo ay kula dagaalamaan Daacish iyo wixii la xariira, waxay kaloo ciidankaan ka hawlgalaan Gal-Gala iyo Buuraha Calmadow oo ay kula dagaalamayaan kooxaha AL-Shabaab,  ciidamada PMPF waxaa ay yihiin ciidamada ugu xooga badan ee halkaasi ka hawl gala, ciidankaasi waa ciidan tababaran oo an isleeyahay waa ciidanka ugu tababarka fiican Soomaaliya, waana ciidanka ugu akhlaaqda wanaagsan, waana ciidan qalab ku filan oo Soomaaliya cid haysta aanay jirin, ciidankaasi hawsha ay hayaani waa hawl ay Puntland iyo Soomaaliyaba u hayaan,  maaha in hadii ay Puntland ka tirsan yihiin in ay Puntland kaliya u shaqeeyaan, waaxaanu joognaa difaaca ugu horeeya ee Soomaaliya, waxaanu idiin sheegaynaa in Dowladda Imaaraatka Carabta aanu ka codsaney in ay sii wadaan tababarka ciidankaas ay joogaana Puntland, ciidanku waa jirayaa tababrayshuna waa joogayaan waxaan ka codsany inay sii laba-laaban hawsha ay hayeen, waxaan cadeenaynaa in aysan jirin ciid noola siman Dowladda Imaaraatka Carabta, wax kasta oo khalada oo naga dhacayna waan u cudu-daarayaa una sheegaynaa inay yihiin saaxibo aan jecel nahay ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugudanbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tan iyo maalinta berrito kusii sugnaan doona magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadibna dib ugu laaban doona caasimada Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Responses to "DAAWO-Ciidankii Imaaraadku U Tababaray Puntland oo Indhaha Ka Xaday DFS Sameeyeyna Bandhig Cajiib ah."

  1. laandheere says:

    SAX WEEYE IMARAT KA PUNTLAND WEY U BAAHAN TAHAY MAXAA YEELEY DAWLAD FEDERAL AH OO MAANTA MUSHAAR BIXIN KARTA MA LEH TAN WIXII SOO GALA FARMAAJO IYO QEYRE MASOO DHAAFAAN WAXAAN MAQALNAA LABO CIIDAN OO XAAFADAHA XAMAR JOOGA BAA ISKU DHACDEY, CIIDAN BAA ISBAARO XAAFAD HEBEL DHIGTEY, CIIDANKA AMISONA MUSHAAR KOODU WAA $1200 OO WAA JOOGTA KAN SOOMAALIGANA WAA $100 OO AANAN LA HELEYN MAR MARKA QAARKOOD 8BILOOD NO SALARY MARKA DAWLADA PUNTLAND IYO CIIDAMADA PUNTLAND MA WAXAA LA GUDBOON INEY BEENAALAYAASHA QEYRE IYO FARMAAJO RAACAAN OO INTII LOO BALAN QAADO MUSHAAR BEEN AH INAAN IMARATKA CEYRINO OO HA DHOW LA YIRAAHO WAXBA IDIIN MA HEYNO KUWII XAMAR BAA WAX LOO LA’AYAHAY TUSAALE MA DHEERE MARKUU FARMAAJO BOOQANAYAY PUNTLAND MEEQA MASHAARIIC BUU DHAGAX DHIGEY AAWEY GALMUDUG INTA UU DHAGAX DHIGEY DEKADII HOBYO WAAR MA ANAGAA WAALAN MISE WASAARADA GAASHAAN DHIGAA LAGA HEESAYAA KKKKKKKKKKKKKKKK WAA WAALI CAS WHEN IT COMES TO EMIRATE WE ARE PRO EMIR-AT SAA PUNTLAND DAN BAA UGU JIRTAA XAALKU WAA SAAS

  2. laandheere says:

    SAX WEEYE IMARAT KA PUNTLAND WEY U BAAHAN TAHAY MAXAA YEELEY DAWLAD FEDERAL AH OO MAANTA MUSHAAR BIXIN KARTA MA JIRTO TAN WIXII SOO GALA FARMAAJO IYO QEYRE MASOO DHAAFAAN WAXAAN MAQALNAA LABO CIIDAN OO XAAFADAHA XAMAR JOOGA BAA ISKU DHACAY, CIIDAN BAA ISBAARO XAAFAD HEBEL DHIGTEY, CIIDANKA AMISONA MUSHAAR KOODU WAA $1200 OO WAA JOOGTO KAN SOOMAALIGANA WAA $100 OO AANAN LA HELEYN MARAR KA QAARKOOD MARKA QAARKOOD 8BILOOD NO SALARY MARKA DAWLADA PUNTLAND IYO CIIDAMADA PUNTLAND MA WAXAA LA GUDBOON INEY BEENAALAYAASHA QEYRE IYO FARMAAJO RAACAAN OO INTII LOO BALAN QAADO MUSHAAR BEEN AH INAAN IMARATKA CEYRINO OO HA DHOW LA YIRAAHO WAXBA IDIIN MA HEYNO KUWII XAMAR BAA WAX LOO LA’AYAHAY TUSAALE MA DHEERA MARKUU FARMAAJO BOOQANAYAY PUNTLAND MEEQA MASHAARIIC BUU DHAGAX DHIGEY AAWEY WIXII MASHAARIIC AHAA EE UU DHIGEY PUNTLND, GALMUDUG INTA UU DHAGAX DHIGEY AAWAY DEKADII HOBYO AAWEY WAAR MA ANAGAA WAALAN MISE WASAARADA GAASHAAN DHIGAA LAGA HEESAYAA KKKKKKKKKKKKKKKK WAA WAALI CAS WHEN IT COMES TO EMIRATE WE ARE PRO EMIR-AT FOR SURE SAA PUNTLAND DAN BAA UGU JIRTAA XAALKU WAA SAAS KII KA NIXI LAHAA AMA KII KU FARXI LAHAA.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: