Monday 16 July, 2018

DEG DEG-Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Khasaare Geystey oo Ka Dhacay Mooyaale.

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Mooyaale ee kuyaala xadka ay wadaagaan Dalalka Kenya, Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegayaa in qarax xoogan uu ka dhacay. Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay boosteejada basaska laga raaco ee deegaanka Mooyaale.

Ugu 3 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada waxana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux oo kale, kuwaas oo qaarkood ay xaaladdooda liitado isla markaana loola cararay goobaha caamaadka.

Dad Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay xilli goobta basaska laga raaco ay ahayd mid aad u mashquul ah isla markaana ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DEG DEG-Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Khasaare Geystey oo Ka Dhacay Mooyaale."

  1. mooyaale waxay xaduud la leedahay kenya iyo itoobiya somaliya shaqo kumalaha

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada