Friday 21 September, 2018

DEG DEG-Dowladda oo Digniin u Dirtay Shacabka Kunool Magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa waxa ay sanadihii ugu dambeeyey ku tallaabsanaysay horumar ballaaran oo dhanka horumarka ah, sida dhismayaasha waaweyn, waddooyinka, waxbarashada, ammaanka iyo dhinacyada arrimaha bulshada.

Horumarkaani ayaa waxaa dhinac socda shaqooyin muhiim ah oo u baahan in shacabka iyo dowladda hoose ee degmada Garoowe ay siwada jir ah wax uga qabtaan, waxaana ugu horreeya nadaafadda oo xilli roobaadka siweyn looga dayriyo.

Baaxadda ganacsiga iyo kororka shacabka ayaa waxa ay sababtay in xaafadaha qaar iyo suuqyada waaweyn ee magaalada xilli roobaadka ay biyo fariistaan, waxaana dowladda hoose ee degmada Garoowe sheegtay in shacabku ay ay biyaha isku xiraan maadaama ay guryohooda carro badan ku hor shubaan.

Saraakiil katirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe oo la hadlay Puntlandnews ayaa waxa ay sheegeen inay maalmihii ugu dambeeyey wadeen shaqooyin waddo bannayn iyo wacyigelin bulsho isugu jiro ah si looga hortago biyaha oo fariista.

Dowladda ayaa waxa ay uga digtey bulshada kunool Garoowe inay xaafadaha hortooda ku shubaan ciid aan la sinayn dhulka intiisa kale, taasi oo sabab u noqonaysa in biyuhu ay fariistaan ayna ka dhashaan cudurada faafa xilli roobaadka.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: