Friday 21 September, 2018

DEG DEG-Goorma Ayuu Xilka La Wareegayaa Duqa Cusub ee Degmada Garoowe Xageese Maraysaa Xulista Golaha Deegaanka.

Duqa cusub ee degmada Garoowe uu dhowaan u magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu xilka kala wareegey duqii hore ee degmada Garoowe.

Axmed Ayax oo si kumeel gaar ah madaxweynaha dowladda Puntland ugu magacaabay duqa degmada Garoowe ayaa xilka kala wareegi doona maalinimada berri ah Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo xilka laga qaaday.

Dhanka kalena, degmada Garoowe ayaa waxaa ka socda loolan xoogan oo loogu jiro kamid noqoshada xubnaha cusub ee golaha deegaanka oo 45 cisho gudohood lagu soo xuli doono.

Ilaa hadda waxaa soo baxay dhowr xubnood oo odayaasha dhaqanka iyo isimada beeshoodu u soo garteen xubinimada golaha deegaanka, waxaana lagu wadaa inay noqdaan xubno u badan dhalinyaro jaamiciyiin ah.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: