Saturday 21 April, 2018

DHEGAYSO-Ciidankii Imaaraadku Tababaray oo Muqdisho Ku Yaacay iyo Saraakiil Hub iyo Gaadiid Kala Baxay+Bililiqo Ka Socota.

Xaalad cakiran iyo qas ayaa ka dhex taagan ciidamadii Imaaradku tababarray ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo maanta ay fasaxeen Saraakiishii Imaaraadka ee gacanta ku hayey.

Ciidamadan oo ku jira saldhig ku yaalla degmada Hodon ayay saraakiisha Imaaraadka u u khidbeeyeen ciidamada una sheegeen inaysan heynin wax ay siiyaan, wixii maanta ka bilowday aysan joojiyeen taageeradooda ayna fasaxan yihiin wixii ay doonaan inay sameeyaan.

Dhamme C/llaahi Cumar Cali oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee ku sugan xerada Tababarka Dowladda Imaaraadka carabta ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay Gaadiid dagaal laga qaatay Xerada Gen Goordan ee magaalada Muqdisho oo Imaaraadka ku tababaro Ciidamada Soomaaliya, ayna gadoodsan yihiin ciidamada.

Wuxuu sheegay inuu bilowday dhac, ayna saraakiil ka tirsan Milterige ay Gaadiidka dagaalka ee milaterig oo xerada yaallay, waxayna xaaladu tahay mid kacsan oo ciidamadu ay doonayaan in dowladda lagu wareejiyo.

DHEGAYSO

Taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedeeyn loo soo jeediyay saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qaateen gaadiid dagaal, kadib markii saraakiil ka socotay dowlada Imaaraadka ee taba barayay ciidamada dowlada ay baneeyeen xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacyigelinta ee ciidamada xooga Gaashaanle sare Cabdixamiid Sheekh Cali Xayda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin eedeeyntaasi, wuxuuna tilmaamay in la baahiyay warar aan sax aheen.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DHEGAYSO-Ciidankii Imaaraadku Tababaray oo Muqdisho Ku Yaacay iyo Saraakiil Hub iyo Gaadiid Kala Baxay+Bililiqo Ka Socota."

  1. iskusoo wada uruuriyo wuxu waa uun mooryan waxa kasii xun ama kaliita kuwa dawlad kusheega somaliya ay tababaran waayo maalinkasta waxay isku laayaan xafadaha magalada xamar, ma arkaysid mamul goboleedyda in ciidamadu dhexdooda dagalaman, malaha farmaajo oo markasta ku hantaataca waxan dhisaya ciidan dawladeed maba arko waxan heerka ay gaarsiisan yihin iyo sayna dawladba u rabin

  2. Haliye says:

    FAHAD YAASIIN baa Qatar caashaqay markaasuu dalkii qasay.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada