Saturday 21 April, 2018

DHEGAYSO-Dhibaato Ka Taagan Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu iyo Qaylo Dhaan Ku Socota Dowladda Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka warbaahinta Puntlandnews.net ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaalad deg deg ah ay ka taagan tahay degmada Caluula ee xarunta gobolka Gardafuu.

Xaaladdaan deg dega ah ayaa timid kadib markii biyaha badda ee xeebta degmadaasi ay mowjado xoogan soo kiciyeen islamarkaana ay soo galeen khoori kala qaybiyaha xaafadaha magaalada Caluula.

Mid kamid ah saraakiisha dowladda hoose ee degmada Caluula oo lahadlay Pnews ayaa sheegay in ilaa 40 guri oo kamid ah guryihii degmadaasi ay burburiyeen biyaha baddu ayna daad gureeyeen qoysas badan oo kunoolaa xaafadaha u dhow badda.

Dhanka kalena, maamulka degamda ayaa sheegay in masiibadaan dabiiciga ah ay ka awood badan tahay aysana awoodin inay iska xiraan biyaha badda oo marar badan gudaha u soo galay xaafadaha magaaladaasi.

Maamulka degmada ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo hayaddaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada inay gurmad soo gaarsiiyaan dadka hoygooda ka barakacay lagalana shaqeeyo xiritaanka biyaha badda.

Gudoomiyaha Degmada Caluula Cabdilahi Ciise Saalax oo lahadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in dhibaato baaxad leh ay keentay Kanaanlka Badda ka yimid Ee soo fatahay.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada