Saturday 21 April, 2018

DHEGAYSO-Is-rasaasayn Ka Dhacday Duleedka Tukaraq iyo Xildhibaan Ku Eedeeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Xildhibaan Cali Jaamac Faarax oo katirsan mudanayaasha baarlamaanka Puntland, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobalka Sool ayaa waxa uu ka hadlay is rasaasayn shalay ka dhacday deegaanka Fallayryaale iyo God-qaboobe ee gobolka Sool.

Xildhibaankan ayaa ku eedeeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey in ciidan ka amar qaata ay ka dambeeyeen falkaasi islamarkaana ay rasaas ku fureen dad shacabka ah, wuxuuna ku eedeyey madaxweyne ku-xigeenka inuu dano kale kaleeyahay Tukaraq.

Waxa uu ka codsaday madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland inuu faraha kala boxo arrimaha ciidamada ku sugan deegaanka Tukaraq.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DHEGAYSO-Is-rasaasayn Ka Dhacday Duleedka Tukaraq iyo Xildhibaan Ku Eedeeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland."

  1. xildhibanka arimha ciidamada ka hadlya wa in xukumadu xirto madama u kaso gudbay shaqada lo idmaday.
    Eng camay wa mujahiid..

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada