Monday 16 July, 2018

DHEGAYSO-Madaxweyne Gaas oo Caddeeyey In Lacagtii Lagu Qabtay Muqdisho Ciidanka Puntland Wax Ku Lahaayeen iyo Tirada.

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah in loo waday Ciidanka Puntland.

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay lacag dhan Saddex Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar loo waday Ciidanka Puntland si mushaar ahaan loo siiyo.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu sheegay inuu la xiriiray safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya waxna ka weydiiyay arrintan, wuxuuna tilmaamay in uu u cadeeyay lacagta qeyb ka mid ah in loogu tala galay Puntland.

Waxa uu intaasi ku daray Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in arrinta ay si hoose ugala hadleen Madaxda Dowladda Federaalka, qeyb ahaan lacagta lagu wareejiyo Puntland.

“Haa waan wareystay Ambassador-ka, wuxuuna ii sheegay lacagtaas qeyb ahaan in ay ugu tala galeen Ciidanka Puntland, Madaxdana waan la qeyb saday arrimahaasi, waa waajib inaan wax iska weydiino arrimahan oo kale, laakiin way dhici kartaa inuu jiro heshiis hoose.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada