Jimcadii la soo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegayey in saraakiil ka socda dalka Imaaraadka Carabta ay ka dhoofeen magaalada Boosaaso islamarkaana baaritaan iyo khash-khashaad loogu geystey garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi gaar ay siinayey Idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxaa wax laga waydiiyey inay jiraan saraakiil Imaaraad ah oo lagu khash-khashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Mudane Gaas, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa guud ahaan beeniyey wararka sheegaya in Imaaraadku uu ka baxay dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan deegaamada Puntland ayna joogeen ilaa sanadkii 2010-kii.
Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiisha Imaaraadku ay shaqo muhiim ah ka hayaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland ayna si diblumaasiyadeed oo madax banaan dalka u yimaadaan ugana dhoofaan, socdaalkaasina uu ahaa kii caadiga ahaa ee ay samayn jireen.
RIIX HALKAAN SI AAD U DHEGAYSATO